Surah At-Tin in Somali

    التين

    Surah At-Tin in Somali

    Read Surah At-Tin in Somali (التين) with Arabic text, Somali translation, and audio recitation. Chapter 95 of the Holy Quran, 8 verses — free online.

    Quran in Somali · all 114 Surahs

    1

    وَٱلتِّينِ وَٱلزَّيۡتُونِ

    1. Waxaan ku dhaartay Tiinka iyo Zaytuunka [1].

    [1]. Waa tilmaan sidoo kale halkay ka baxaan ee Falastiin ee ah halka laga soo saaray Ciise c.s. Nabi ahaan.

    2

    وَطُورِ سِينِينَ

    2. Iyo Buurta Siinaay [2].

    [2]. Ee ah halkuu Alle kula hadlay Muuse c.s.

    3

    وَهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ ٱلۡأَمِينِ

    3. Iyo magaaladan Aaminka ah 'Makkah' [3],

    [3]. Ee Nabi Muxammad laga soo doortay Rasuul Alle ahaan.

    4

    لَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ فِيٓ أَحۡسَنِ تَقۡوِيمٖ

    4. Waxaan dhab ahaan u abuurnay Aadmiga qaab kan u wanaagsan.

    5

    ثُمَّ رَدَدۡنَٰهُ أَسۡفَلَ سَٰفِلِينَ

    5. Misna waxaan u celinnay hooseeyayaasha kan u hooseeya [4].

    [4]. Naarta gudaheeda ama da'da asaasqnimada.

    6

    إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَلَهُمۡ أَجۡرٌ غَيۡرُ مَمۡنُونٖ

    6. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin jar aan weligi go’ynin (Janno).

    7

    فَمَا يُكَذِّبُكَ بَعۡدُ بِٱلدِّينِ

    7. Maxaa kugu xamaabri (aadmigow) inaad beeniso arrinka is abaal marinta (Aakhiro)?

    8

    أَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِأَحۡكَمِ ٱلۡحَٰكِمِينَ

    8. Sow ma aha Alle Kan u wanaagsan inta wax xukunta [5]?

    [5]. Haayoo, wuu Yahay.

    At-Tin

    Play