أَلَمۡ نَشۡرَحۡ لَكَ صَدۡرَكَ
1. Miyaanaan kuu waasicinnin (Nabi Muxammadow) laabtaada?
الشرح
Read Surah Ash-Sharh in Somali (الشرح) with Arabic text, Somali translation, and audio recitation. Chapter 94 of the Holy Quran, 8 verses — free online.
Quran in Somali · all 114 Surahs
أَلَمۡ نَشۡرَحۡ لَكَ صَدۡرَكَ
1. Miyaanaan kuu waasicinnin (Nabi Muxammadow) laabtaada?
وَوَضَعۡنَا عَنكَ وِزۡرَكَ
2. Oo sidaa kaaga dejin culeyskii ku saarnaa [1],
[1]. Macnaha waa aan kuu dhaafin oo cafin gefafkaaga kuwii hore iyo kuwa dambeba, ama kaa qaadin culeyskii aad dareemeysey billowgii gaarsiinta iyo fidint diinta.
ٱلَّذِيٓ أَنقَضَ ظَهۡرَكَ
3. Kaasoo cusleeyey dhabarkaaga,
وَرَفَعۡنَا لَكَ ذِكۡرَكَ
4. Oo aanaan kor yeelin meeqaankaaga?
فَإِنَّ مَعَ ٱلۡعُسۡرِ يُسۡرًا
5. Xaqiiq, dhibka waxaa la socda faraj.
إِنَّ مَعَ ٱلۡعُسۡرِ يُسۡرٗا
6. Xaqiiq, waxaa dhibka la socda faraj.
فَإِذَا فَرَغۡتَ فَٱنصَبۡ
7. Ee markaad bogto (salaadda) ku dadaal duceysiga (iyo Alle ammaanka iyo Xuskiis).
وَإِلَىٰ رَبِّكَ فَٱرۡغَب
8. Xagga Rabbigaa (keliyana) wax ka rajee.
Ash-Sharh
Play