Surah Al-Maun in Somali

    الماعون

    Surah Al-Maun in Somali

    Read Surah Al-Maun in Somali (الماعون) with Arabic text, Somali translation, and audio recitation. Chapter 107 of the Holy Quran, 7 verses — free online.

    Quran in Somali · all 114 Surahs

    1

    أَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي يُكَذِّبُ بِٱلدِّينِ

    1. Ka warran kan beeniya is abaal marinta (Aakhiro).

    2

    فَذَٰلِكَ ٱلَّذِي يَدُعُّ ٱلۡيَتِيمَ

    2. Kaasu waa kan ula dhaqma agoonta si qallafsan [1].

    [1]. Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Aniga iyo kan daryeela agoonka oo kafaala qaada, waxaan gali Jannada innagoo sidaas oo kale ah. Wuxuuna kor u qaaday fardhexeda iyo murugsatada oo simay oo isu dhoweeyey.

    3

    وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلۡمِسۡكِينِ

    3. Oo aan ku dhiirra gelin (dadka) quudinta miskiinka [2].

    [2]. Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: Qofka u dadaala oo u shaqeeya dumarka da'da ah ee laga dhintay iyo masaakiinta wuxuu heli ajar la mid ah mujaahidka u diriraya Jidka Alle ama kan habeenkii oo dhan u taagan salaad oo aan daaleyn iyo soomanaha aan afurin.

    4

    فَوَيۡلٞ لِّلۡمُصَلِّينَ

    4. Waxaa hoog leh kuwaa tukada (munaafiqiinta ah),

    5

    ٱلَّذِينَ هُمۡ عَن صَلَاتِهِمۡ سَاهُونَ

    5. Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtiyadooda).

    6

    ٱلَّذِينَ هُمۡ يُرَآءُونَ

    6. Kuwaasoo u fala (samaha) si loo arko.

    7

    وَيَمۡنَعُونَ ٱلۡمَاعُونَ

    7. U diida (dadka) maacuunta (waxyaalaha yar yar ee laysugu kaalmeeyo, zako iyo sadaqo iyaga warkoodba daaye).

    Al-Maun

    Play