Surah Al-Qadr in Somali

    القدر

    Surah Al-Qadr in Somali

    Read Surah Al-Qadr in Somali (القدر) with Arabic text, Somali translation, and audio recitation. Chapter 97 of the Holy Quran, 5 verses — free online.

    Quran in Somali · all 114 Surahs

    1

    إِنَّآ أَنزَلۡنَٰهُ فِي لَيۡلَةِ ٱلۡقَدۡرِ

    1. Waxaanu xaqiiq soo dejinnay (Qur’aanka) habeenka Qadarka.

    2

    وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا لَيۡلَةُ ٱلۡقَدۡرِ

    2. Maxaa ku ogeysiiyey wuxuu habeenka Qadarku yahay?

    3

    لَيۡلَةُ ٱلۡقَدۡرِ خَيۡرٞ مِّنۡ أَلۡفِ شَهۡرٖ

    3. Habeenka Qadarku wuxuu ka khayr badan yahay kun bilood [1].

    [1]. 83 sano iyo afar bilood, waa camalka iyo cibaadeysiga habeenkaa.

    4

    تَنَزَّلُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ فِيهَا بِإِذۡنِ رَبِّهِم مِّن كُلِّ أَمۡرٖ

    4. Malaa’igta iyo Jabriil baa la soo dega (habeenkaa) Idanka Rabbigood arrin walba oo xukun ah,

    5

    سَلَٰمٌ هِيَ حَتَّىٰ مَطۡلَعِ ٱلۡفَجۡرِ

    5. Nabad weeye (habeenkaa) ilaa waagu ka baryo [2].

    [2]. Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Ka doondoona layaltul Qadarka tirooyinka is dheer ee tobanka habeenood ee u dambeeya Ramadaanka.

    Al-Qadr

    Play