Surah As-Saff in Somali

    الصف

    Surah As-Saff in Somali

    Read Surah As-Saff in Somali (الصف) with Arabic text, Somali translation, and audio recitation. Chapter 61 of the Holy Quran, 14 verses — free online.

    Quran in Somali · all 114 Surahs

    1

    سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

    1. Waxaa xurmo weyneeya oo (xumaan ka) hufa Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waana Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.

    2

    يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لِمَ تَقُولُونَ مَا لَا تَفۡعَلُونَ

    2. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maxaad u leedihiin (oo ugu baaqdaan dadka) wax aydaan falin?

    3

    كَبُرَ مَقۡتًا عِندَ ٱللَّهِ أَن تَقُولُواْ مَا لَا تَفۡعَلُونَ

    3. Waa wax uu Alle neceb yahay inaad ku hadashaan (oo amartaan dadka) wax aydaan falin.

    4

    إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلَّذِينَ يُقَٰتِلُونَ فِي سَبِيلِهِۦ صَفّٗا كَأَنَّهُم بُنۡيَٰنٞ مَّرۡصُوصٞ

    4. Xaqiiq Alle wuxuu jecel yahay kuwa ku dagaallama Jidkiisa iyagoo saf ah aad mooddo dhismo laysku dhajiyey.

    5

    وَإِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوۡمِهِۦ يَٰقَوۡمِ لِمَ تُؤۡذُونَنِي وَقَد تَّعۡلَمُونَ أَنِّي رَسُولُ ٱللَّهِ إِلَيۡكُمۡۖ فَلَمَّا زَاغُوٓاْ أَزَاغَ ٱللَّهُ قُلُوبَهُمۡۚ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡفَٰسِقِينَ

    5. (Xus, Nabi Muxammadow) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Tolkayow! Maxaad ii dhibeysaan idinkoo og inaan ahay Rasuul Alle xaggiinna loo soo diray? Markay (Xaqii) ka iisheen, ayuu Allena sii iilay quluubtooda [1]. Alle ma hanuuniyo qoloda fallaagada ah.

    [1]. Sababta waxaa weeye waxay ka iisheen Xaqa oo diideen hanuunka, markaasuu Alle sii iilay quluubtooda oo ay ka sii fogaadeen Xaqa.

    6

    وَإِذۡ قَالَ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَ يَٰبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ إِنِّي رَسُولُ ٱللَّهِ إِلَيۡكُم مُّصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيَّ مِنَ ٱلتَّوۡرَىٰةِ وَمُبَشِّرَۢا بِرَسُولٖ يَأۡتِي مِنۢ بَعۡدِي ٱسۡمُهُۥٓ أَحۡمَدُۖ فَلَمَّا جَآءَهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ قَالُواْ هَٰذَا سِحۡرٞ مُّبِينٞ

    6. (Xus) markuu Ciise, wiilkii Maryam, yidhi: Ilmahii Israa’iilow! Waxaan anigu ahay Rasuul Alle xaggiinna loo soo diray, rumeyn Towraadda (la soo dejiyey) hortay, idiinkuna bishaaraynaya Rasuul imaan gadaashay oo magaciisu yahay Axmad [2]. Markiise uu ula yimid Xujooyin cad, waxay yidhaahdeen: Kanu waa sixir cad.

    [2]. Axmad waa magac kale uu leeyahay Nabi Muxammad s.c.w.

    7

    وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَ وَهُوَ يُدۡعَىٰٓ إِلَى ٱلۡإِسۡلَٰمِۚ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ

    7. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle isagoo loogu yeedho Islaamka? Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah.

    8

    يُرِيدُونَ لِيُطۡفِـُٔواْ نُورَ ٱللَّهِ بِأَفۡوَٰهِهِمۡ وَٱللَّهُ مُتِمُّ نُورِهِۦ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡكَٰفِرُونَ

    8. Waxay doonayaan (gaaladu) inay Nuurka Alle (Xaqa) ku damiyaan afafkooda. Alle se waa taam yeeli Nuurkiisa haba naceen gaaladuye.

    9

    هُوَ ٱلَّذِيٓ أَرۡسَلَ رَسُولَهُۥ بِٱلۡهُدَىٰ وَدِينِ ٱلۡحَقِّ لِيُظۡهِرَهُۥ عَلَى ٱلدِّينِ كُلِّهِۦ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡمُشۡرِكُونَ

    9. Waa Kan la soo diray Rasuulkiisa (Muxammad) hanuunka iyo diinta Xaqa ah, si uu uga sare mariyo diimaha (khilaafsan) oo dhan, haba naceen mushrikiintuye.

    10

    يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ هَلۡ أَدُلُّكُمۡ عَلَىٰ تِجَٰرَةٖ تُنجِيكُم مِّنۡ عَذَابٍ أَلِيمٖ

    10. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ma idin tusaa ganacsi idinka badbaadineysa cadaab xanuun badan.

    11

    تُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَتُجَٰهِدُونَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ بِأَمۡوَٰلِكُمۡ وَأَنفُسِكُمۡۚ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ

    11. (Waa) inaad rumeysaan Alle iyo Rasuulkiisa (Muxammad) oo u jihaaddaan Jidka Alle idinkoo u huraya maalkiinna iyo nafahiinna, sidaasaa idiin khayr badan haddaad og tihiiin.

    12

    يَغۡفِرۡ لَكُمۡ ذُنُوبَكُمۡ وَيُدۡخِلۡكُمۡ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ وَمَسَٰكِنَ طَيِّبَةٗ فِي جَنَّٰتِ عَدۡنٖۚ ذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ

    12. Wuxuu idiin dhaafi denbiyadiinna, oo idin gelin Jannooyin ay webiyo hoos qul-qulaan iyo guryo wanaagsan oo ku dhex yaal Beeraha negaya (ee Jannada), kaas baa ah Liibaanta Weyn.

    13

    وَأُخۡرَىٰ تُحِبُّونَهَاۖ نَصۡرٞ مِّنَ ٱللَّهِ وَفَتۡحٞ قَرِيبٞۗ وَبَشِّرِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

    13. Arrin kaloo aad jeceshihiinna (wuu idin siin) gargaar xag Alle ah iyo guul dhow. Ee u bishaaree mu’miniinta.

    14

    يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ كُونُوٓاْ أَنصَارَ ٱللَّهِ كَمَا قَالَ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَ لِلۡحَوَارِيِّـۧنَ مَنۡ أَنصَارِيٓ إِلَى ٱللَّهِۖ قَالَ ٱلۡحَوَارِيُّونَ نَحۡنُ أَنصَارُ ٱللَّهِۖ فَـَٔامَنَت طَّآئِفَةٞ مِّنۢ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ وَكَفَرَت طَّآئِفَةٞۖ فَأَيَّدۡنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ عَلَىٰ عَدُوِّهِمۡ فَأَصۡبَحُواْ ظَٰهِرِينَ

    14. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ahaada kuwo u gargaara (diinta) Alle, siduu ku yidhiba Ciise, ina Maryam, xertiisii Waa kuwee kuwa iigu gargaaraya (diinta) Alle? Xertii waxay yidhaahdeen: Innagaa ah u gargaarayaasha (diinta) Alle, Markaasay qayb ka mid ah ilmahii Israa’iil rumeeyeen, oo qayb kale gaaloobeen. Waxaana taageernay kuwii (xaqa) rumeeyey (oo ka adkaadeen) cadowgoodii, markaasay muuqdeen (oo ka taliyeen arlada).

    As-Saff

    Play