Surah Al-Masad in Somali

    المسد

    Surah Al-Masad in Somali

    Read Surah Al-Masad in Somali (المسد) with Arabic text, Somali translation, and audio recitation. Chapter 111 of the Holy Quran, 5 verses — free online.

    Quran in Somali · all 114 Surahs

    1

    تَبَّتۡ يَدَآ أَبِي لَهَبٖ وَتَبَّ

    1. Ha hoogeen labada gacmood ee Abuu-Lahab [1], hoogyeyna [2].

    [1]. Waa Nabiga adeerki oo ahaa cadow Islaam, waxaana la mid ah oo soo galaya cadow Islaam kasta. [2]. Markay soo degtay Aayadda Qur'aanka ee leh: "U dig xigaaladaada kuu dhow". Nabigu s.c.w. wuxuu billaabay inuu u yeeraa ( qabaa'isha Carbeed): Reer Banii Fihirow, Reer Banii Cadiyow, isagoo mid mid u xusaya jilbaha iyo laamaha ay ka kooban yihiin Quraysh. Xitaa ninkii aan imaan karin wuxuu soo dirsaday cid ka socota isaga si uu u soo eego waxa jira. Markaasaa waxaa yimid Abuu Lahab iyo odayaashii Quraysh. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ka warrama haddaan idiin sheego ciidan fardooley ah oo soo socda toggan gadaashiisa ee dooneysa inay idin weeraraan ma iga rumeysan laheydeen? Waxay yidhaahdeen: Haa , kuguma baran waxaan run aheyn.. markaasuu Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Haddaba waxaan idiinka digayaa cadaab daran oo idinku soo fool leh haddii aydaan Allaah rumeyn iyo Rusushiisa. Abuu Lahab wuxuu yidhi: Hoog oo ba' maanta oo idil, ma waxaan baad isugu kaaya yeertay? Markaasaa waxaa soo degay Tabbat Yadaa Abii Lahab….

    2

    مَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُ مَالُهُۥ وَمَا كَسَبَ

    2. Waxna uma tarin maalkiisa iyo wuxuu kasbaday.

    3

    سَيَصۡلَىٰ نَارٗا ذَاتَ لَهَبٖ

    3. Wuxuu geli oo ku guban Naar olol badan.

    4

    وَٱمۡرَأَتُهُۥ حَمَّالَةَ ٱلۡحَطَبِ

    4. Iyo marwadiisuba, xaabo siddada ah, (xanta, xinta iyo dirdirada badan),

    5

    فِي جِيدِهَا حَبۡلٞ مِّن مَّسَدِۭ

    5. Qoorteeda waxaa la yeeli xadhig adag xaskul la soohay (oo Naar) ah.

    Al-Masad

    Play